Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: 24 Booliis ah oo Weerar lagu Dilay


Meesha weerarka lagu dilay askarta Masar uu ka dhacay ee Sinai.
Meesha weerarka lagu dilay askarta Masar uu ka dhacay ee Sinai.
Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah oo ka dhacay gacanka Sinai lagu diley 24 boolis ah, saddex kalena lagu dhaawacay.

Saraakiisha dowladda iyo xarumaha caafimaadka ayaa sheegaya in booliska la weerarey ay saarnaayeen laba bas, iyadoo lagu weerarey goob ku dhow Rafah oo ku taalla dhanka xadka Masar la leedahay Gaza.

Weerarkan ayaa imanaya xilli militariga Masar ay xoojiyeen hawlgallo ka dhan ah maliishiyo Islaamiyiin ah oo si dhuumaleysi ah uga hawlgala Sinai.

Dhanka kale waxaa weli kacsan xiisadihii ka taagnaa dalka intiisa kale, siiba magaalada Qaahira oo 36 qof oo ka mid ahaa taageerayaasha Ururka Akhwaanul Muslimiinka ay geeriyoodeen ka dib markii ay ku cabburmeen gaari ay saarnaayeen, xilli loo wadey xabsi ku yaala meel dibedda ka ah magaalada Qaahira.
XS
SM
MD
LG