Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo ka Hadlay Xaaladda Masar


Xoghayaha arr.dibadda ee Maraykanka, John Kerry
Xoghayaha arr.dibadda ee Maraykanka, John Kerry
Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa adeegsaday erayo aad u adag oo uu ku cambaaraynayo dhacdooyinkii ka dhacay dalka Masar.

Waxaana uu tilmaamay in gacan ka hadalka iyo adeegsaiga awooddu aanay xal u hayn dhibaatada siyaasadeed ee ka jirta Masar.

Kerry iyo aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa hore u sheegay inay ka soo horjeedaan xaaladda xukunkna deg dega ah ee lagu soo rogay dalka Masar, waxaanay ku baaqeen in si deg deg ah loo laalo.

Maraykanka ayaa ugu baaqay xukuumadda KMG ee Masar inay xaq dhowrto xuquuqda aadamaha ee asaasiga ah oo ay ku jirto xuriyadda ay dadku u leeyihiin inay ra’iygooda dhiibataan iyo inay isku soo bixi karaan.

Madaxweyneha Maraykanka Barack Obama ayaa waxaa mar kale soo wajahaya su’aalo la xidhiidha sida uu uga jawaabayo xaaladda dalka Masar iyo xadhiga madaxwenihii dalkaasi Maxamed Mursi.
XS
SM
MD
LG