Saraakiil ka tirsan nabadsugida Somalia ayaa sheegay in diyaarad kuwa xamuulka ah oo sidday Hub oo ay leedahay Ethiopia ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay 4 qof.
Goob -joogayaal ayaa ku waramay in diyaarada Holac iyo qiiq ka kacay uu cirka isku shareeray.
Ciidamada Amisom ayaa Twitterka ku sheegay in laba ka mid ahaa dadkii saarnaa diyaaradaasi la soo bad-baadiyay lagana daaweynayo dhaawac soo gaaray.
Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay burburka diyaarada.
Dalka Ethiopia ayaa ka kaalmeeynaya dawladda Somalia dagaalka ay kula jirto mintidiinta Al- Shabaab oo in mudo ahiba ku hawlanaa sidii aay dalka ugu soo rogi lahaayeen shareecada Islaamiga .
Dhanka kale, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtey in dhacdadani tahay shil cilad farsamo ah, waxaana dowladdu ay magacawdey guddi xaqiiqo raadin ah oo madax u yahay, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire .
Waxaa xubnaha kale oo guddigan ka mid ah Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, booliska nabadsugidda, madaxa garoonka Muqdisho iyo xubno ka tirsan AMISOM iyo SKA oo ah shirkadda gacanta ku haysa hawlaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Waraysi iyo faahfahin arrintaasi ku saabsan oo lala yeeshay wariyaha VOAda ee Muqdisho Seynab Abuukar ka dhegayso halkan hoose.