Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Is-maandhaaf ka jira Gole Dhawaan la Sameeyey


Guddi salaadiin ah oo dhexdhexaadin ka dhex waday Xukuumadda Somaliland iyo Gole-Siyaasadeed oo lagu magcaabo Golaha Toosinta iyo Wadatashiga oo dhawaan Hargeisa lagaga dhawaaqay ayaa xalay sheegay in dhexdhexaadintii ay wadeen ay burburtay, iyagoo Golaha Toosinta iyo Wadatashigana ku eedeeyeen inay ka baxeen dhinacooda wadahalada.

Haddaba weriyaheenna magaalada Hargeisa Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa shir-jaraa'id oo ay salaadiintu qabteen ka dib waraystay Guddoomiyaha Salaadiinta Dhexdhexaadinta waday Suldaan Aadan Faarax Cumar
XS
SM
MD
LG