Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumanaan Taabacsan Mursi ah oo Dibad Baxyo Dhigay


Kumanaan kun oo Taageerayaasha Madaxweynihii xukunka xoogga looga eryay, Maxamed Morsi, ka mid ah ayaa socod ku soo maray jidadka magaalada Qaahira Jimcihii shalay, iyagoo dalbanayay in Mr. Mursi xukunka lagu soo celiyo, waxaana socodkan uu ku soo beegmay xilli dowladda Ku meel gaarka ah ee Masar ay ku hajabtay inay xoog ku kala eryeyso dibad baxayaasha, fadhiga goobo ka mid ah Qaahira.

Telefishinka Dowladda Masar ayaa sheegay in Booliska ay qorsheynayaan inay gooyaan halka laga galo mid ka mid ah goobahaasi ay ku suganyihiin dibad baxayaasha oo ku taala waqooyiga Qaahira.

Goob joogayaasha ayaa sheegay tageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ay dhiseen darbi ka sameysan Jawaano ciid laga buuxiyay iyo dhagxaan waaweyn, si ey uga hor istaagaan booliska inuu go’doomiyo goobahaasi.

Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta ayaa u sheegay dadkii isu soo baxay in taageerayaasha Mursi ay diyaar u yihiin inay dhigooda u daadiyaan, sidii ay xukunka ugu soo celin lahaayeen madaxweynahoodii la eryay, isla markaana ay u difaaci lahaayeen amaanka Qaranka Masar.
XS
SM
MD
LG