Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faroole: Waanu ka Fiirsanaynaa Dawladda Federaalka


Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbad uu ugu talagalay sannadguurada 15aad ee Puntland, waxa uu dhaliilo culus u jeediyay DFS.

Madaxweyne Faroole ayaa dowladda ku eedeeyay inay badashay dastuurka, wuxuuna sheegay inay xiriirka dowladda jari doonaan haddii aan arrintaasi wax laga qaban.

Waxaa kaloo uu ka hadley arrimo la xiriira Somaliland, isaga oo ugu baaqay, sida uu hadalka u dhigay, inaanay shidaal ka raadsan dhul aan hoos iman maamulka Somaliland.

Madaxweyne Faroole ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday wadahadlka Dawladda Federaalka ah iyo Somaliland, isaga oo ka hor yimid qaabka ay wada hadladu u socdaan.

Arrimaha kale ee uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah in Puntland ay ka fiirsanayso inay lacag u gaar ah soo samaysato, isaga oo tilmaamay in siyaasadda dawladda dhexe ee dhinaca dhaqaaluhu ay ku kalifi karto inay sidaasi yeelaan.

Faroole wuxu dhinaca kale rabshadihii dhowaan ka dhacay Qardho ku eedeeyey inuu ka dambeeyey madaxweynihii hore ee Puntland Jeneral Cadde Muuse, isaga oo tilmaamay in dambi baadhis uu maamulkiisu sameeyay ay arrintaasi xaqiijisay.

Warbixin arrintaasi ku saabsan hoos ka dhegayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:43 0:00
XS
SM
MD
LG