Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Ashton oo la Kulantay Morsi


Diblomaasi sare oo ka tirsan Midowga Yurub, ayaa sheegtay in madaxweynihii la eryey ee dalka Masar Maxamed Morsi uu bedqabo, isla-markaana loo ogolyahay inuu daawado telefishinka uuna akhristo wargeysyada, iyadoo uu weli ku xiran yahay meel aan la ogeyn.

Madaxa siyaasadda Arrimada Dibadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton, ayaa xalay la kulantay Madaweyne Morsi, kulankaas oo ay sheegtay inuu ahaa wadaxaajood saaxiibtinimo oo ku saabsan xaaladda dalka Masar iyo baahida loo qabo in hore loo socdo. Sida ay warbaahintu tabisay waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyey ee dhexmara Mr. Morsi iyo saraakiil dibadda ah tan iyo markii xafiiska laga faramaroojiyey.

Ashton ayaa horey wadahadalo ula yeelatay hogaamiyayaasha KMG ah ee dalka Masar, iyo madaxa ciidanka milateriga iyo sidoo kale Ururka Ikhwaanul-Muslimiin iyo kooxo kale. Waxa ay dhamaan ku boorisay in si wadajir ah xal loo raadiyo, hase ahaatee waxa ay weriyayaasha u sheegatay Talaadadan in dalka Masar aaney u joogin inay xal dusha uga keento.

Ashton ayaa sidoo kale sheegtay in Midowga Yurub ay doonayaan inay dalka Masar ka taageeraan doorashooyinka mustaqbalka, sida keenista koox gacan ka geysata habsami u socodka doorashada.

Milateriga Masar ayaa 3dii bishii July xilka ka qaaday Madaxweyne Morsi waxa ayna laaleen dastuurkii dalka, ka dib markii ay dhaceen dibadbaxyo ka dhan ah xukunkiisa. Taageerayaasha ayaa iyaguna dhigayey banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in awooddiisii dib loogu soo celiyo.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa kulanka Morsi iyo Ashton ka wareystay Cabdiqaadir Sheekh Bashiir oo arrimaha Masar si dhow ula socda, kuna sugan magaalada Qaahira.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00
XS
SM
MD
LG