Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo ka Jawaabay Qaraxii Muqdisho


Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxuu maanta booqdey dhismaha shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ee Qaraxa lagula beegsadah shaley magaalada Muqdisho. Raysalwasaaraha ayaa la kulmay safiirka Turkiga ee Somalia ayaa waxuu sheegay inay cambaareynayaan weerarkan.

Dhinaceedana, dawladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarkii shalay lagu qaaday guri degaan u ahaa shaqaalaha safaaraddooda Soomaaliya uusan waxba u dhimayn gargaarka bani’aadminnimo ee ay ku gacansiinayaan dadka Soomaaliyeed. Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga Levent Gumrukju oo VOA waraysi siiyey ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen.

Dowlada Turkiga waxay aheyd dalkii ugu horeeyey ee sida weyn ugu soo gurmadey Somalia xiligii adkaa ee Macluusha ba’an. Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan ayaa noqday Hoggaamiyihii ugu horreeyey eek a yimaada meel ka baxsan Qaaradda Afrika ee booqday Soomaaliya markii macluushu dhacday. Hadaba maxuu yahay waxqabadka rasmig ah ee Turkiga?

Warbixin iyo wareysiyo arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:11:03 0:00
XS
SM
MD
LG