Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Spain: Shil Tareen oo ay ku Dhinteen 77 Qof.


Kooxaha wax baara ee dalka Spain ayaa weli isku deyeya inay ogaadaan waxa sababay in tareen marayey woqooyiga dalkaasi uu jidka ka baxo, kaasoo ay ku dhinteen 77 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 140 qof.

Shilka tareenka oo Arbacadii shalay ka dhacay meel u dhow saldhig-tareen oo ku yaalla magaalada qadiimiga ah ah ee Santiago de Compostela ee dalka Spain, ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee dhaca tan iyo sanadkii 1972kii, xilligaa oo tareen iyo bas isku dhacay koofurta dalka Spain ay ku dhinteen 80 qof.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa habeenkii oo dhan ka shaqeynayey goobta uu shilku ka dhacay, si ay dadka badbaaday u gargaaraan. Muuqaalo laga baahiyey taleefishinka ayaa muujiyey qiiq hawada isku shareeray oo ka imanayey burburkii tareenka iyo dad meyd ah oo maryo la huwiyey oo yaalla hareerta wadada uu marayey tareenka shilka galay.

Kooxaha gurmadka degdegga ah oo adeegsanayey wiishash ayaa Khamiistan maanta ka saarayey qeybaha tareenka ee jidka ka baxay gobtii uu shilku ka dhacay

Ra’iisul-wasaaraha wadanka Spain Mariano Rajoy oo ku dhashay magaalada Santiago de Compostelo, ayaa dib ugu soo laabtay magaaladiisa si uu u qiimeeyo goobta shilku ka dhacay iyo khasaaruhu inta uu la egyahay.

Saraakiil ku sugan magaalada Santiago de Compostelo, ayaa joojiyey xaflado la qorsheynayey in Khamiistan maanta ah ay dhacaan, iyadoo xujey masixiyiin ah oo ka kala yimid caalamka ay ku sugan yihiin magaalada si ay uga qeyb qaataan dabaaldagga sanad walba lagu sharfo wadaadka masaxiigia ah ee Saint James oo qabrigiisu uu ku yaallo magaaladaas.

Gobalka Galicia oo ay ka mid tahay magaalada Santiago de Compostelo ayaa lagaga dhawaaqay todobo beri oo baroor diiq ah oo loogu karaameynayo dadkii uu dhibku ka soo gaaray shilka tareenka.
XS
SM
MD
LG