Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tiro ku Dhimatay Dhulgariir ka Dhacay Shiinaha


Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in labo dhul gariir oo ka dhacay woqooyi-galbeed ee dalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 73 qof, isla markaana ay ku dhaawaceen boqolaal kale.

Hay’adda Saadaasha Dhulka ee Maraykanka ayaa sheegtay in dhulgariirkii koowaad oo cabbirkiisu uu ahaa 5.9 uu dhacay siddeeddii subaxnimo oo rubuc dhiman xiliga gudaha, kana dhacay meel u dhow magaalada Dingxi oo ka tirsan gobolka Gansu. Ka labaad ayaa isaguna cabbirkiisu ahaa 5.6, kaas oo 90 daqiiqo ka dib ka dhacay isla degaanka. Labada dhulgariir waxa daba socday, dhulgariiryo yaryar.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhowr boqol oo dhisme ay dumeen, isla markaana kumanaan kale uu dhaawac soo gaaray. Korontadii ayaa gobolka ka tagtay, gobolkaas oo aan dadku ku badneyn.

Askarta, booliiska, iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa gobolka loo diray si ay u kaalmeeyaan dhibanayaasha, isla markaa u raadiyaan dad dhulgariirka ka badbaaday.
XS
SM
MD
LG