Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado Weli ka Sii Socda Dalka Masar


Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo ku dhex maray taageerayaasha iyo dadka ka soo horjeeda Madaxweynihii xukunka xoogga looga tuuray ee Masar Maxamed Mursi, magaalada Mansura oo ku taala gobolka Nile Delta.

Dibax baxyo iska soo horjeeda ayaa ka dhacay dhowr Magaalo oo ku yaala dalka Masar Jimcihii shalay.

Magaalada Qaahirana, kumanaan taageerayaasha Mursi ah ayaa ka jawaabay baaq ka soo yeeray Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka, oo ahaa inay wadooyinka isugu soo baxaan oo ay dalbadaan in xukunka lagu soo celiyo Madaxweynihii Islaamiyiinta Masar Maxamed Mursi.

Taageerayaasha Mr. Morsi ayaa ku biiray Jimcihii shalay taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiinka oo fariisin ka sameystay dibadda masaajidka Rabia el-Adawiya ee deegaanka Nasir ee Magaalada Qaahir, halkaa oo ay ku xooganyihiin

Taageerayaasha Ikhwaanka, halka kuwo kalena ay socod ku soo mareen meel ku dhow Jaamacadda Qaahira.
XS
SM
MD
LG