Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadlay Arrintii Trayvon Martin


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa dadka Maraykanka ugu yeeray in damiirkooda ay eegaan oo ay is xisaabiyaan, marka laga hadlayo dambigii lagu waayey nin toogtay oo dilay wiil Maraykanka madow ah oo aan hubeysneyn.

Isaga oo si lama filaan warfidiyeenka u horyimid Aqalka Cad Jimcihii shalay, ayaa madaxweyne Obama sheegay inuu tixgalinayo talaabooyin uu dalku qaado si waddada saxda loo abaarro ka dib keys maxkamadeed oo isir ku lug lahaa oo dhawaan la xukumay.

Trayvon Martin ayaa ahaa will dhalinyaro ah oo la dilay bishii February ee sanadkii hore, ka dib markii ay is qabteen Goerge Zimmerman oo xaafadooda ilaalinayey, kaas oo markii dambe ay maxmadii sheegtay in uu aanu dambi galin, lana sii daayey.

Sii deynta Zimmerman ayaa dhalisay dibadbaxyo waaweyn oo Maraykanka ka dhacay, iyada oo Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykankuna ay keyska dib u eegayso, lagana baaraan degayo in Mr. Zimmerman dacwad federalaahi ah lagu soo oogi karo iyo in kale.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in markii laga fikiro xanuunka arrintan la xiriira, ay muhiim tahay in la garowsado in bulshada madow ee Maraykanku ay arrinta ku eegayso indhaha waayihii adkaa ee ay soo martay iyo taariikh aan dihniga dadka ka baxaynin.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:13 0:00
XS
SM
MD
LG