Ururka Ikhwaanul-Muslimiin ee dalka Masar ayaa ku baaqay Arbacadan maanta ah wareeg kale oo banaanbaxyo cusub ah, iyagoo weli sii wada diimadooda ka dhanka ah hanaanka siyaasadda KMG ah ee ka soconaya dalka Masar, ka gadaal markii awoodda si xoog ah looga tuuray Madaxweyne Maxamed Morsi.
Ururka Ikhwaanul-Musliniin ayaa ku adkeysanaya in Mr. Morsi dib loogu soo celiyo awoodda, waxayna si aad ah u diideen inay ka qaybgalaan DKMG ah ee dalka Masar.
Golaha Wasiirada ee dhawaan la dhaariyey ee uu horkacayo Ra’iisul-wasaare Hazem el-Bablawi ayaa Arbacadan maanta ah howshooda bilaabay, iyadoo aaney ku jirin wax xubno ah oo ka tirsan Axsaabta Islaamiyiinta.
Golahan Wasiirada ayaa waxaa u badan kooxaha libaraalka ah, waxaana ka mid ah todobo xubnood oo ka tirsan maalmulkii hore oo uu ku jiro madaxa ciidamada dalka Masar, Abdel-Fattah el-Sissi oo ah ninkii awoodda ka xuubiyey Madaxweyne Mursi, waxa uuna xukuumaddan KMG ah ka yahay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Ra’iisul-waasaha.
Golahan Wasiirada ayaa waxaa ku jira 3 xubnood oo haween ah oo maamuli doona wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta iyo Deegaanka,
Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa ugu baaqday xukuumadda Masar in hanaanka KMG ahi uu noqdo mid loo dhan yahay, hadalkan ayey jeedisay iyadoo booqaneysa dalka Masar, waxa ayna la kulmi doontaa Ra’iisul-waasarah dalka Masar Mr Beblawi iyo Madaxweynaha KMG ah Adly Mansour. Midowga yurub ayaa qoraal ay soo saareen socdaalkeeda ka hor waxa ay ku sheegeen in sidoo kale ay la kulmi doonto kooxaha kale ee siyaasadda iyadoo aan la magacaabin koox gaar ah oo ay la kulmayso.