Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Kulamo la leh Madaxda Masar


Saraakiil Maraykan ah ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, si ay ula kulmaan hogaamiyeyaasha KMG ah, uguna adkeeyaan baahida loo qabo in xiliga kalaguurka ahi uu noqdo mid loo dhan yahay, oo ay ka soo baxdo xukuumad shicib ah oo si dimoqraadi ah loo soo doortay.

Kuxigeena Xoghayaha Arrimaha Dibadda Bill Burns ayaa markii ugu horeysay booqanaya Masar, waana sarkaalkii ugu sareeyey ee taga dalkaas ilaa markii militarigu uu eryey Madaxweyne Maxamed Mursi horaantii bishan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in kulanka Bill Burns uu la yeelanayo saraakiisha Maraykanka Isntiinta maanta ah iyo Talaadada berrito ay sidoo kale ka qeyb gali doonaan ururada bulshada rayidka ah iyo ganacsatu.

Kulamadan ayaa imanaysa iyada oo ururka Ikhwaanul muslimiinta ee Madaxweyne Mursi ay taageerayaashooda ku boorriyeen in si nabad gelyo ah ay Isniinta maanta ah iskugu yimaaddan magaalada Qaahira, isku imaatinkan oo ka mid ah isu soo baxyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo xilkii Mr. Mursi laga qaaday.

Kumanaan qof ayaa maalmo badan iskugu soo baxayey horaanta masjid ku yaalla woqooyi-bari magaalada Qaahira, iyaga oo dalbanaya in madaxweynihii hore la soo celiyo.

Sidoo kale, Isniinta maanta ah ayaa maamulka Masar sheegay in koox mitidiin ah lagaga shakiyey inay weerareen bas waday shaqaale warshadeed oo ku sugnaa magaalada Al-Cariish ee gobolka Woqooyi Siinaay. Weerarka waxa ku dhintay 3 qof, waxana ku dhaawacmay 17 kale. Jasiiradda Siinaay ayaa gacan ka hadalku ku sii badanayey ilaa intii Mr. Mursi xilka laga tuuray 3dii bishan July.
XS
SM
MD
LG