Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tareen Jidka ka Baxay Paris Dadna ay ku Dhinteen


Ugu yaraan todoba qof ayaa la aaminsanyahay inay ku dhinteen dalka Faransiiska, ka dib markii tareen waday boqolaal qof oo rakaab ah uu jirka ka baxay saldhig tareenada ay ka baxaan oo ku yaala koonfurta Magaalada Paris.

Tareenka ayaa jidka ka leexday Jimcihii shalay isagoo ku bur buray meel 20 KM koonfurta ka xigta caasimadda dalkaasi Faransiiska ee Paris.

Tareenka ayaa ka tagay magaalada Paris kuna sii jeeday magaalada la yirahdo , Limoges.

Tobanaan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen shilkaasi, oo sababay in qaar ka mid ah qeybaha tareenka ay rogmadaan.

Rakaab fara badan ayaa la aaminsanyahay inay weli ku dhex go’doonsanyihiin bur burka tareenka.

Wariiska arimaha gudaha ee Faransiiska Manuel Valls ayaa ka digay in tirada dhimashada ay isa soo tareyso lagana yaabo inay kordho.
XS
SM
MD
LG