Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malta oo Badbaadisay Tahriibayaal Afrikaan ah


Ciidamada Malta ayaa soo badbaadiyey doon siddey dad muhaajiriin ah oo ka soo dhoofey xeebaha dalka Libya. Dadka la soo badbaadiyey ayaa isugu jirey haween, caruur iyo rag, waxaana la rumeysan yahay inay ka yimaadeen dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya oo ay Somalia ka mid tahay.

Dhanka kale Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ayaa soo saartey xukun degdeg ah oo ay ku joojineyso talaabo ay dowladda Malta ku dooneysey dib inay ugu celiso Libya afartan ruux oo qaxooti ah, kuwaas oo qeyb ka ah qaxootiga toddobaadyadii dhowaa ku sii qulqulayey jasiiradda Malta.

Daud Aweis ayaa khadka teleefonka ee magaalada Geneva kula xiriirey Jumbe Omari Jumbe, Madaxa Warbaahinta ee Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM. Waxaana uu ugu horeyntii weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo doonta ay ciidamada Malta soo badbaadiyeen. Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00
XS
SM
MD
LG