Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjiraha Somalia ee K Afrika oo Geeriyooday


Magaalada Pretoria ee dalka Konfur Africa waxaa maanta ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Sayid Shariif C/laahi oo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Africa.

Marxuumka ayaa geeriyooday abaarihii 9-kii subaxnimo xilliga saacadda Pretoria, sida uu VOA-da u sheegay wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Sayid Shariif.

Ra’iisul-wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdon Saacid ayaa ka tacsiyeeyay geerida safiirka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah u soo shaqeynayay dowladda Soomaaliya.
XS
SM
MD
LG