Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobada Heshiiska Somalia & Somaliland


Somalia iyo Somaliland
Somalia iyo Somaliland
Ergada ka socota Maamulka Somaliland iyo Somalia ee ku shirayay Turkiga ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo ay ka mid tahay maamulka hawada Somalia.

Qodobada kale ee lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in 120 maalmood ka dib lagu kulmo dalka Turkiga iyo in la sii wado wada hadalka.

Shirkani waxaa uu daba socdaa shir saddex bilood ka hor isla dalka Turkiga ka dhacay oo ay Somalia iyo Somaliland yeesheen, shirkaas oo ay isla garteen inay yeeshaan iskaashi dhanka ammaanka iyo ganacsiga.

Hadab shirkaasi ku soo gabagaboobay turkiga ayaa waxaa VOAD uga waramay Cabdulllahi Jaamac Cusman (Geel- jire) wasiirkii hore ee Kaluumeysiga Somaliland kana mid ahaa ergadii Somaliland uga qeyb gashay wada hadalka.
wareysiga Geel- jire halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:06 0:00
XS
SM
MD
LG