Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo Ra'iisal wasaare Cusub loo Magacaabay


Madxaweynaha KMG Adly Mansour, iyo Ra'isal wasaaraha cusub Hazem el-Beblawi, Cairo, Egypt, July 9, 2013.
Madxaweynaha KMG Adly Mansour, iyo Ra'isal wasaaraha cusub Hazem el-Beblawi, Cairo, Egypt, July 9, 2013.
Madaxweynaha Ku Meelgaadhka ah ee Masar Cadli Mansuur ayaa Xaazim El-Biblaawi u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Mr El Biblaawi ayaa ah nin dhaqaale-yahan ah, horena u soo noqday wasiirka maaliyadda ee Masar.

Ninka loo malaynayey inuu jagadaas qabto Maxamed Al-Baraadici ayaa laga dhigay madaxweyne ku xigeen.

Dhinaca kale waxaa dalkaasi ka socda bannaanxyo aad u ballaadhan oo ay ku baaqeen taageerayaasha madaxweynaha xilka laga tuuray Maxamed Mursi.

Ururka Ikhwaanul muslimiin dalka Masar ayaa ku gacansaydhay go’aanada dastuuriga ah ee uu soo saaray madaxweynaha KMG ee dalka Masar.

Madaxweyne Cadli Mansuur ayaa ku baaqay in doorasho cusub la qabto, taasi oo aanay ogolayn taageeryaasha madaxweynaha talada laga qaaday ee Maxamaed Mursi.

Cisaam Al Ciryaan oo ka mid ah saraakiisha sare ee Ikhwaanka ayaa farriin uu ku soo daabacay bogga Facebook waxa uu ku sheegay inaanay jirin awood sharciyeed oo madaxweynae Cadli Mamsuur u ogolanaysa inuu xilka sii hayo.

Jawaabta ururka ayaa ku soo beegmaysa iyada oo kumannaan qof oo taageerayaashooda ahi ay isugu soo baxeen fagaaraha Raabica Al Cadawaiya iyaga oo doonaya in talada lagu soo celiyo madaxweyne Mursi.

Ciidanka Masaarida ayaa laalay dastuurkii ay qoreen xubnaha Islaamiga u badnaa. Ciidanku waxa kale oo uu xilka ka tuuray Mr. Musi, ka dib dibadbaxyo waaweyn oo dalka ka dhacay.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:08:03 0:00
XS
SM
MD
LG