Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dowladda iyo UNHCR oo Kulmay


Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu horkacayay madaxa Hay’adda UNHCR ee QM iyo xubno kale oo la socday, kuwaas oo ay ujeeda socdaalkoodu ahayd sidii qaxootiga Soomaalida ah dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Xubnaha Wafdigaani ayaa imaatinka ujeedadooda ahayd sidii Qaxootiga Soomaaliya ee ku firirsan dalalka dariska la ah Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Wafdiga ayaa kulan la yeeshey Raiisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Fowziya Yusuf Haji Adan.

Intaasi kadib Shir jaraa’id oo ay si wadjir ah u qabteen labada Mas’uul ayaa waxaa ka hadlay António Guterres oo ah madaxa hay’adda UNHCR, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay xiligaan nabdoon tahay oo dib loo soo celinayo Qaxootiga Soomaalida intii suurta gal ah.

Warbixinta oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:43 0:00
XS
SM
MD
LG