Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cillad ku Timid Diyaarad Sidday Madaxweynaha


Diyaarad uu saarnaa madaxweyne Xasan Sheekh oo ku socotay Suudaanta Koonfureed ayaa Muqdisho si deg-deg ah ugu noqotay kadib markii cillad ay ku timid. Shilkaasi kadib madaxweynaha ayaa waxaa qaaday diyaarad kale oo geysay Suudaanta Koonfureed.

Saraakiisha saarnayd diyaaradda ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradda ay cilladdu ku timid markii ay hawada ku jirtay 20 daqiiqo.

Af-hayeenka Madaxtooyada Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbahainta u sheegay in cillad farsamo ay keentay in diyaaradda wafdiga madaxweynaha ay dib u soo laabato.

Waxaana uu sheegay in Madaxweynaha uu sii watay safarkiisa isagoo diyaarad kale ugu duulay Koonfurta Suudaan si uu uga qaybgalo sannadguurada labaad ee madaxbannaanida waddankaasi oo ku beegan berrito.

Goob jooge ku sugnaa garoonka diyaaradaha ayaa VOAda u sheegay in uu arkay diyaaradda soo cagadhigaynaysa garoonka, waxaana uu tilmaamay inaanu jirin wax dab ah amma dhibaato kale oo ka muuqatay diyaaradda.

Qaybta hoose ka dhegayso warbixin iyo waraysi la xiriira arrintan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00
XS
SM
MD
LG