Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Laba ku Dhimatay Shil Diyaaradeed


APTOPIX Plane Crash SFO
APTOPIX Plane Crash SFO
Diyaarad ay laheyd shirkadda diyaaradaha ee Asiana Airlines oo sidday in ka badan 300 oo rakaab ah iyo shaqaalihii shirkadda, ayaa dhulka ku dhacday mar ay ka dageysay garoonka diyaaradaha ee magaalada San Francisco maalintii Sabtida ee shalay. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay waxaana ku dhaawacmay 180 qof.

Diyaaradda ayaa duulimaadkeeda ka soo bilowday magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, waxa ayna ku soo hakatay caasimadda Kuuriyada Koofureed ee Seoul ka hor intii aaney u soo duulin magaalada San Francisco ee gobalka California ee dalkan Mareykanka.

Diyaaraddan oo nuuceedu ahaa Boeing 777 ayaa rakaabka saarnaa waxaa badankoodu u dhasheen wadamada Shiinaha, Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka. Shirkadda diyaradaha ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in labada qof ee dhintay ay u dhasheen wadanka Shiinaha ayna fadhiyeen kuraasta danbe ee diyaaradda. Labada qof ee dhintay ayaa lagu soo waramayaa inay ahaayeen laba gabdhood oo dhalinyaro ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in bilowgiiba ay diraayaddu markii ay soo dagaysay ay gadaasha danbe ku dhufsatay dhabaha ay diyaaraduhu caga dhingtaan.

Gadaasha danbe ee diyaaradda ayaa go'day, waxaana diyaaradda inteeda kale qabsaday dab, iyadoo holceysa ayeyna markii danbe istaagtay.

Koox danbi-baarayaal ah ayaa loo diray magaalada San Francisco si u baaraan waxa dhaliyey shilka diyaaradda oo dhacay xilli ay cimiladu aheyd mid aad u wanaagsan.
XS
SM
MD
LG