Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milateriga & Taageerayaasha Morsi oo Isku Dhacay


Magaalada Qaahira ayaa waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyadoo lagu soo waramayo isku dhacyo u dhaxeeya taageerayaasha madaxweynaha xilka laga xayuubiyey Maxamed Morsi iyo ciidamda milateriga, isku dhacyo kale ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceen meelo kale oo ka mid ah dalka.

Warar aan la xaqiijin oo ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhinteen rabshadaha maanta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanka milaterigu ay rasaas ku fureen taageerayaasha Maxamed Morsi oo Jimcahan maanta ah isku dayayey inay ku hor mudaharaadaan Wasaaradda Gaashaandhiga Masar. Goobjoogyaasha ayaa intaa ku daray inay arkeen dad dhulka yaalla oo uu dhiig ka qubanayo.

Kumanaan taageerayaasha Morsi ah, ayaa isugu soo baxay Masaajidka Rabea Al- Adaweya ee magaalada Qaahira iyagoo garaacaya durbaano, waxa ayna wacad ku mareen inay u dhimanayaan taageerada Mr. Morsi. Milaterig ayaa xukunka ka tuuray Madaxweynaha maalintii Arbacada, waxa ayna waxba kama jiraan ka so qaadeen dastuurka dalka, iyagoo sheegay inay tallaabadaasi u qaadeen si ay u joojiyaan khatarta ka imaan kartay dibadbaxyadii shacbiyadda lahaa ee ka dhankaa ah Mr. Morsi.

Safwat Heagazy oo ka tirsan madaxda Akhwaanul-Muslimiinka ayaa sheegay in dad aad u badan ay diyaar u yihiin inay mudaharaad uga hortagaan milateriga, laakiin ujeedadoodu ay tahay oo kaliya in banaanbaxu uu noqdo mid nabadeed. Kooxda ayaa talaabada milateriga ka soo horjeesatay, kuna tilmaantay inuu yahay afganbi milateri oo sharciga hareermarsan islamarkaana aan loo heyn wax qiil ah.

Milateriga Masar ayaa la soo dhoobay magaalada Zagazig oo dhinaca woqooyi bari ka xigta magalaada Qaahira, halkaasoo la soo sheegayo inay isku dhaceen mucaaradka iyo taageerayaasha madaxweynaha xilka laga tuuray ee Maxamed Morsi. Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyadoo ay dhinacyadu dhagxaan iswaydaarsanayaan.
XS
SM
MD
LG