Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Afhayeenka Mucaaradka oo la Xiray


Daahir Axmed Faarax ayaa mar kale xabsiga loo taxaabay, ka dib markii lagu eedeeyey dambi ay dawaladdu sheegtay inuu galay sanadkii 2004tii.

Qareenka Daahir Axmed Faarax, mudane Zakariya Cabdillaahi ayaa sheegay in ay wax lala yaabo tahay in dawladdu ay mar kale xirto Daahir Axmed Faarax, iyada oo ay dawladdu ku baaqeysay in ay mucaaradka la hadasho.

Dhinaca kale, Xeer Ilaaliyaha Djibouti Jaamac Saleebaan ayaa sheegay in dambigani uu ahaa mid uu Daahir Axmed Faarax ka baxsaday, haddana lagu qaadayo.

Wareysiyo arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.


please wait

No media source currently available

0:00 0:10:48 0:00
XS
SM
MD
LG