Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Markale ka Dhacay Magaalada Kismaayo


Wararka ka imanaya Kismaayoee gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhex-qarxay maleeshiyaad kala taageersan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu ka socdo xaafadda Siinay ee waqooyiga magaalada, sidoo kalena uu ku fiday qeybaha dhexe ee magaalada iyo wadada tagta dekedda Kismaayo.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sida uu dagaalku ku bilowday iyo haddii ay jiraan khasaare uu ilaa iminka dhaliyay.

Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maanta la xiray abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka, Col Cabaas Ibrahim Gurey.

Sarkaal ka tirsan dowladda Somalia ayaa xaqiijiyay in Col Cabaas ay xireen ciidamada Kenya oo ku xiray saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, ka dibna u duuliyay magaalada Wajeer.

Ma cadda sababta ka danbeysa xadhiga sarkaalkan, balse ilo wareedyo kale duwan oo VOA heshay ayaa sheegaya in shalay uu kulan dhexmaray Col Cabaas iyo ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan iyagoo kulankaasina ay isku fahmi waayeen.

Col. Cabaas Ibrahim Gurey, ayaa sidoo ah sarkaal hormuud u ahaa ciidamo maleeshiyo ah oo taageersan dowladda Soomaaliya oo laga keenay gobolka Gedo.

Idaacadda VOA ayaa goor dhaweyd la xiriirtay xafiiska warfaafinta AMISOM si ay wax uga weydiiso dagaalka qarxay iyo xadhiga Col. Cabaas, balse way ka gaabsadeen inay labada ka hadlaan.
XS
SM
MD
LG