Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku Dhintay Rabshado ka Dhacay Wajeer


Goobjoogayaal ku sugan magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen magaalada Wajeer maanta kadib markii dad careysan ay ku soo xoomeen gawaari laga lahaa magaalada Mandera oo ku xanibneed magaalada wajer kuwaaso doonayey in aay aadan Mandera.

Dhimashada ayaa la sheegay inay dhacday kadib markii mid ka mid ah gawaarida uu jiiray 2 haween ah. Shilkan waxaa xigay qulqulatooyin iyo dhagxaan inay tuuraan dadweynaha qaarkood. Booliiska ayaa riday rasaas iyo sunta dadka ka ilmaysiisa.

Xiisadahan ayaa salka ku haya khilaaf u dhexeeya laba beelood oo sababay dhimashada dad badan iyadoo maalintii shalayna ilaa 15 qof lagu dilay degaanka Banisa oo ka tirsan Mandhera.

Aadan Bishaar Xasan oo ah wariye madax banaan oo goob joog ahaa, ayaa VOA uga warramay sida ay wax u dhaceen, hadalkiisana halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:34 0:00
XS
SM
MD
LG