Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barclays: Waan Joojineynaa Adeegga Xawaaladda


Bangiga Barclays ee dalka Britain.
Bangiga Barclays ee dalka Britain.
Bangiga Barclays ee dalka Britain oo ay adeegsadaan xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi, ayaa soo saaray go’aan uu ku caddaynayo in horaanta bisha July ee sanadkan uu joojinayo adeegyadii uu xawaaladaha u qaban jiray, uuna xirayo xisaabaadkii ay ku lahaayeen.

Bangigan ayaa la sheegay inay adeegsan jireen boqolaal xawaaladood oo isugu jira kuwa Somalida iyo kuwo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeedda Africa iyo Asia.

Hase ahaatee dadka Somalida oo lacagaha xawaaladaha la iskugu diraa ay laf dhabar u yihiin, ayaa walaac ka muujiyay go’aanka ka soo baxay Bangiga Barclays, iyadoo ay inagu soo fool leedahay bisha Ramadaan oo ay dad badani eheladooda iyo dadka sabool ka ahba ay gacan u fidinayaan.

Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ah maamulaha guud ee Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ayaa arrimahaas VOA uga waramay, wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00
XS
SM
MD
LG