Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey: Taksim oo Dabadbaxayaashii laga Saaray


Booliiska oo ilaalinayana Fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul ee dalka Turkey, June 12, 2013.
Booliiska oo ilaalinayana Fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul ee dalka Turkey, June 12, 2013.
Booliiska rabshadaha ka hortaga ee dalka Turkey, ayaa awood uga saaray Fagaaraha Taksim ee bartamaha magaalada Istanbul dadkii maalmahaan ku mudaharaadayey, ka dib markii ay xalay labada dhinac foodda isdareen.
Booliiska rabshadaha ka hortaga ee dalka Turkey gaaska dadka ilmeysiiya iyo biyo xooggan ku furaya dadka mudaharaadayaasha.
Booliiska rabshadaha ka hortaga ee dalka Turkey gaaska dadka ilmeysiiya iyo biyo xooggan ku furaya dadka mudaharaadayaasha.

Howlgalka booliiska ayaa yimid iyadoo ay ku-dhawaad laba todobaad banaanbaxyo ka socdeen fagaaraha Taksim, dadka banaanbaxayey ayaa ku dadaalayey inay joojiyaan dadaalka dowladdu ay ku dooneysay inay dhisme cusub kaga dhisto beer nasasho oo aan ka fogeyn fagaaraha.

Kooxaha mudaharaadka dhigayey ayaa sidoo kale dalbaday in Ra’iisul-wasaare Recep Tyyip Erdogan uu is casilo, iyagoo ku eedeeyey inuu dalka Turkey ku soo rogay aragtidiisa isalaamiga ah.
Dibadbaxayaasha oo ka cararaya Fagaaraha markii booliisku ay ku fureen gaaska dadka ka ilmeysiiya, Istanbul, Turkey, June 11, 2013
Dibadbaxayaasha oo ka cararaya Fagaaraha markii booliisku ay ku fureen gaaska dadka ka ilmeysiiya, Istanbul, Turkey, June 11, 2013

Talaadadii shalay-na booliiska rabshadaha ka hortaga, ayaa gaaska dadka ka ilmeysiiyaa iyo biyo xooggan ku furay dibadbaxayaashii ku sugnaa Fagaaraha Taksim, iyadoo ay haatan ciidanka booliisku gabi ahaanba fagaaraha ka saareen dadkii mudaharaadayey..

Ra’iisul-wasaaraha ayaa qorsheynaya inuu Arbacadan maanta ah la kulmo dibadbaxayaasha. Laakiin waxa uu ku eedeeyey inay si ula kac ah isugu dayayaan inay dhaawac u geystaan dhaqaalaha iyo sumcadda dalka Turkey.
XS
SM
MD
LG