Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Xeerka Socdaalka Waa in la Badalo


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horaysay ka hadlay qorshaha wax ka bedelka loogu samaynayo sharciyada socdaalka iyo dhalshada ee Maraykanka.

Obama ayaa faallo dheer ka bixiyay ahmiyadda uu leeyahay xeerkan cusub iyo faa’iidada uu u keenayo nolosha iyo dhaqaalaha Maraykanka haddii la ansixiyo.

Ugu horrayn waxaa uu Madaxweyne Obama ka hadlay sida uu wax ka-bedelka xeerkani uu u kobcin doono dhalqaaha Marayknka, isagoo tusaale u soo qaatay kumanaanka ardayda ah ee ka yimaada wadamada caalamka ee waxbarashada jaamacdeed ku qaata Maraykanka, kuwaasi oo sida uu madaxweynuhu sheegay khibradda iyo aqoonta heerka sare ah ee ay bartaan ay ka faa’idaystaan waddamo kale, taasi oo uu eedeeda saaray sharciyada socdaalka ee Maraykanka.

Ugu dambayntii Madaxweyne Obama ayaa ku tilmaamay isbedelkan cusub ee la doonayo in loo sameeyo sharciga socdaalka Maraykanka, mid xoojinaya ammaanka xuduudaha Maraykanka isla-markaana fursad cusub siinaya nolosha Maraykanka.

Obama ayaa ugu baaqay dadweynaha Maraykanku inay dhambaallo taageera ah u diraan mudanayaasha ay u soo doorteen Congreska Maraykanka si ay ugu qanciyaan inay qorshahan cusub ansixiyaan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:15 0:00
XS
SM
MD
LG