Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo Baaq Kale u Diray Kismaayo


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa mar kale baaq u jeediyey Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Kismaayo inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha ka socda magaalada.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maanta uu magaalada Kismaayo ku daato dhiigga dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, iyadoo ay Soomaaliya colaaddii ka sii baxayso

"Walaalihii shalay u mideysnaa in dalka laga xoreeyo kooxihii nabad diidka ahaa, inay isku noqdaan oo ay dhexdooda dhiig iska daadiyaan arrin aad iyo aad u xanuun badan oo murugo leh waaye" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan ka jeediyey shir jaraaiiid oo uu ku qabtay maanta magaalada Muqdisho.

Hadalka Madaxweynaha halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:37 0:00
XS
SM
MD
LG