Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabley Weerartay Garoonka Diyaaradaha Kabul


Askarta Afghanistan oo ilaaleyneysa dhismaha lagu dilay kooxda weerartay Garoonka diyaaradaha Kabul, June, 10, 2013
Askarta Afghanistan oo ilaaleyneysa dhismaha lagu dilay kooxda weerartay Garoonka diyaaradaha Kabul, June, 10, 2013
Saraakiisha wadanka Afghanistan ayaa sheegay in ciidamada Ammaanku ay Isniintan maanta ah dileen koox dabley ah oo soo weerartay garoonka caalamiga ah ee magalaada Kabul.

Weerarka ayaa dhacay wax yar ka hor intii aan waagu dillaacin, iyadoo qaraxyo iyo rasaas lagu weeraray qeybta ay ciidanka milaterigu garoonka uga sugan yihiin.

kooxda dableyda ah ee weerarka soo qaadday ayaa dhufeys ahaan u galay guri uu dhisme ka socday oo aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha, iyagoo rasaas ay is waydaarasadeen ciidamada isabaheysiga ee saldhigga ku leh garoonka.

Rasaasta ay is waydaarsanayeen labada dhinac oo socotay muddo saacado ah, ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in ay dileen dhamaan dableydii weerarka soo qaaday oo ay tiradoodu ahayd todobo ruux.

Ma jiraan warar dheeraad oo ka soo baxay tirada dadka rayidka ah iyo xoogagga ammaanka ee dagaalka ku dhintay. Hase ahaate waxaa mas’uuliyadda weerarka sheegtay kooxda Taliban.

Dhinaca kale, dalka Poland ayaa Isniinta maanta sheegay in mid ka mid ah askartooda uu dhintay ka dib markii ay ku qaraxday miino kuwo dhulka la dhigo ah xilli ay howlgallo ilaaleyn ah ka wadeen meel u dhow gobalka Ghazni ee bariga wadanka Afghanistan.
XS
SM
MD
LG