Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadlay Dhegaysiga Tilifoonada Maraykanka


US President Barack Obama speaks during a visit to San Jose, California June 7, 2013
US President Barack Obama speaks during a visit to San Jose, California June 7, 2013
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horaysay difaacay dhegaysiga tilifoonada iyo dabagalka adeegsiga Internetka ee ay samayso wakaaladda Nabad-sugidda Maraykanku.

Obama ayaa sheegay in laga rabo dadweynaha Maraykanku inay ku kalsoonaadaan dadka hawshaasi gacanta ku haya si looga hortago weerarro argagixiso oo cusub.

Madaxweyne Obama ayaa arrinta dabagalka tilifoonada dadka maraykanka ah oo muran badan dhalisay waxaa uu ku soo hadal qaaday kulan ka dhacay gobolka California.

Waxa uu tilmaamay in mas’uuliyaddiisa ay tahay in uu ilaalyo nabadgaliyada dadka maraykanka ah iyo inuu xaq dhowro xuquuqda dastuuriga ah ee xuriyadda siinaya dadweynaha .

Madaxweynaha ay sii gaar ah uga hadlay warbixinada ay dhawaan shaaca ka qaadday saxaafaddu kuwaasi oo sheegay in wakaladda nabad sugiddu ururisay macluumaadka tiliifoonada dad badan oo maraykana, hase ahate waxa uu Obama sheegay in ay tallaabadaasi ay mid ay ansixiyeen xubnaha congresska kaga jira labada xisbi ee dimuqraadiga iyo jamhuuriga kuwaasi oo sida uu sheegay mar walba u codaynayay tan iyo 2006dii,waxaana uu tilmaamay in barnaamijka dhegaysigu uu ahaa mid xadidan isla markaana lagama maarmaan ah.

Obama ayaa ka digay in wararka qaar ee ay saxaafaddu sida qarsoon u hesho ee ay faafiso ay keeni karaan halis soo gaadha ammaanka qaranka isla markaana halis ku keeni karta nolosha shaqaalaha sirdoonka.

Waxaana uu ku tilmaamay shaqaalaha ha’yadaha sirdoonka ee maraykanka kuwa lagu kalsoonaan karo laguna aamini karo nabadsugidda qaranka.
XS
SM
MD
LG