Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Danjire Cusub u Magacaawday Somalia


Danjiraha Cusub ee Britain ay u magacaawday Soomaaliya, Mr. Neil Wigan
Danjiraha Cusub ee Britain ay u magacaawday Soomaaliya, Mr. Neil Wigan
Mr Neil Wigan ayay dawladda Britain u magacawday inuu noqdo Danjiraha cusub ee Soomaaliya wakiilka uga noqon doona balse uu fadhigiisu noqon doono magaalada Nairobi.

Mr Neil Wigan ayaa bedeli doona Mr Matt Baugh oo isaga loo wareejin doono wadan kale, waxaana la qorshaynayaa inuu Danjiraha cusub uu shaqada la wareego bishan June.

Mr Wigan ayaa tan iyo sanadkii 2000 oo uu hawlaha diplomasiyada ku soo biiray ka soo shaqeeyay wadamo badan oo dagaalo ay naafeeyeen , waxaanu sadexdii sanadood ee ugu dambeeyay uu ka soo shaqeeyay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo .

Mar uu ka hadlayay magacaabistiisan Soomaaliya ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay taariikhdiisa markii ugu horaysay ee loo magacaabay Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaalidu ay horumar muuqda ka samayeen siyaasadda iyo nabadgelyada sanadahan ugu dambeeyay ka dib markii ay ka guulaysteen Ururka Al-Shabaab oo gacanta ku hayay magaalooyin badan oo muhiim ah.

Dawladda Britain ayaa haatan door muuqda ka ciyaaraysa arrimaha Soomaaliya.
XS
SM
MD
LG