Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Japan oo Ballan qaadday Horumarinta Africa


Shirka Japan
Shirka Japan
Shirka Horumarinta Africa ee TICAD oo ay martigalinaysay dawladda Japan, ayaa maanta oo Isniin ah la soo gabagabeeyay, iyada oo Japan ay soo bandhigtay maaligalin ay ku samaynaso Africa.

Ra’iisal wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa shaaca ka qaaday in Japan ay Africa ku taageerayso horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

Mr Abe ayaa sheegay in dawladda Japan ay maaligalin gaaraysa hal billion oo doolar ay ku samayn doonto wadamada Afriika.

Dawladda Japan ayaa sidoo kale sheegtay in taageero ka gaysan doonto horumarinta dhisma hoosaadka Africa.

Taageerda ay dawladda Japan ballan qaaday ayaa waxaa ka mid ah deeq waxbarasho jaamacadeed ah oo loo fidinayo ku dhawaad kun arday oo ka socda wadamada Africa.

Shirka TICAD ayaa ah shir ay martigaliso dawladda Japan shantii sanaba mar, ayaa waxaa uu bilaabamay sannadkii 1993, waxaana sannadkan ka soo qayb galay ku dhawaad 50 madaxweyne oo ka socda qaaradda Africa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka qayb galay ayaa gabagabdii shirka TICAD u mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Ka hor intaanu furmin shirka TICAD ayaa waxaa dawladda Japan ay qabatay shir u gaar ah arrimaha Somalia.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha FAO iyo UNEP.

Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee FAO, Dr Jose Grazvano Da Silva ayaa ka wada hadlay sidii Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO ay mashaariic horumarineed uga fulin laheyd Soomaaliya oo ay doorka dib u dhiska iyo horumarka dalka uga qeyb qaadan laheyd.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hay'adda FAO ay u soo guureyso Muqdisho isla markaana laba jibaareyso howlaha ay ka waday Somalia.

Sidoo kale kulankii uu madaxweynaha la yeeshay Agaasimaha Guud ee hay'ada UNEP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa madaxweynahu waxuu ka codsady hay'addan inay shacabka Soomaaliyeed ka saaciddo xaalufinta dhirta iyo deegaanka, gaar ahaan dhuxusha la dhoofiyo oo uu madaxweynaha sheegay inay sharci darro tahay isla markaana ay wax u dhimeyso deegaanka dalka.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay isla maanta Isniin ah ka soo dhoofaan dalka Japan
XS
SM
MD
LG