Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Drone oo ku Dhacday Puntland


Diyaarad Drone ah oo ku Burburtay Muqdisho
Diyaarad Drone ah oo ku Burburtay Muqdisho
Wararka ka imanay Puntland ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan cidina wadin ee loo yaqaan Drone ay ku dhacday tuullo lagu magacaabo Qaw oo Bossaso u jirta 15 KM.

Warar kale duwan ayaa ka soo baxaya goorta ay diyaaradan dhacday.

Saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada Amniga Puntland oo magaceeda qariyay ayaa VOA u xaqiijiyay in dad miyiga degan ay heleen qeyb ka mid ah bur-burka diyaarada nooca drone-ka loo yaqaan oo ay ka heleen tullada Qaw, kadibna ay u gudbiyeen ciidamada amniga ee Puntland.

Ma cadda goorta ay diyaaradan dhacday, warar ayaa sheegaya in diyaaradan ay dhacday bilowgii sannadkan, halka warar kale oo madax bannaan ay iyaguna tibaaxeen in diyaaradan ay dhacday habeenkii Jimcaha.

Maalinimadii Talaadada ee toddobaadkii la soo dhaafay ayaa diyaarad drone ah oo Maraykanku leeyahay waxay ku dhacday degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada hoose.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa xaqiijisay diyaaradda ku dhacday Buullo-Mareer, balse saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa beeniyay in ururka al-Shabab ay soo rideen diyaaradaasi.
XS
SM
MD
LG