Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye lagu Dhaawacay Kismaayo


Wariye Cabdiqaadir Cabdirisaaq oo ku magac dheer (Jiijiile) ayaa la shaqaynayay idaacadda Mustaqbal iyo Telefishanka Royal TV.

Dhaawaca ayaa wariyaha waxa uu ka soo gaadhay dhinaca qoorta.

Wariyaha ayaa la sheegay in saddex nin oo bastoolado wataa ay weerar ku soo qaadeen xilli uu gurigiisa u sii socday.

Dhaawaca wariyaha ayaa lagu dawaynayaa Isbtaal ku yaalla Kismaayo.

Agaasimaha Idaacadda Mustqabal Aweys Xaaji Nuur (Aar) ayaa VOAda uga warramay xaaladda wariyaha la dhaawacay, waxaana uu tilmaamay in xaaladdiisu ay imika roontahay.

Waraysiga agaasimaha ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:04 0:00
XS
SM
MD
LG