Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo ku Baaqay Shir ku Saabsan Jubbooyinka


Somali President
Somali President
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay gogol u fidinayso dadka dega Jubbooyinka, si maamul loo dhan yahay loogu sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidaasi ka sheegay shir jaraa'id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynuhu ayaa dib ugu laabtey magaalada Muqdisho markii ay soo ka soo qeybgaleen xuska 50guuradii ka soo wareegtey aasaaska Ururka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanay haboonayn in al Shabaab fursad loo siin inay ka faa’idaystaan khilaafka dhinaca maamulka eek a taagan Jubbooyinka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda federaalku ay tahay cidda u xilsaaran ilaalinta sharciga, isla markaana ay ka shaqaynayso dib u dhiska kalsoonida iyo soo celinta nabadgaliyada iyo kala dambaynta.

Faahfahinta warkaasi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:46 0:00
XS
SM
MD
LG