Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad ku soo Dhacday Buullo Mareer


Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa VOA u sheegay in ay jiraan xubno badan oo ururka al Shabab kamid ah oo deegaanka soo gaarayey maalmihii ugu dambeyey suuragalna ay tahay in iyaga ay soo rideen.

Hase ahaate al Shabaab ayaan illaa iyo imika si rasmi ah u sheegin inay iyagu soo rideen diyaaraddaasi iyo in kale.

Sidoo kale ma jiro war sugan oo ku saabsan cidda iska leh diyaaraddan.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa inta badan loo adeegsadaa la dagaalanka argagxisada.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr waddan oo ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen hawlgallo loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka

Degmada Buullo Mareer ayaa ka mid ah goobaha ay ku suganyihin kooxda al Shabaab.

Bishii January ayaa ciidamada Faransiisku isku dayeen inay xoog ku soo furtaan sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska oo ay al Shabaab ku haysteen isla degmada Buullo Mareer.
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:31 0:00
XS
SM
MD
LG