Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo laga Xusay Maalinta Fistula


Waxaa maanta markii ugu horaysay dunida laga xusayaa maalin caalami ah loo asteeyey xanuunka Fistula ee isu furanka dumarka iyadoo xusas arrintaas la xidhiidha lagu qabtay daafaha dunida.

Goobaha maalintan laga xusay waxaa ka mid ah Somaliland oo lagu qabtay xaflad looga hadlayo ahmiyadda ay leedahay in lagu baraarugo wax ka qabashada xanuunkan iyo is xasuusinta dhibaatada haweenka ka soo gaarta dhalmada.

Sida ay sheegtay hay’adaha caafimaadka sanad kasta inta u dhaxaysa 50 kun ilaa 100 kun oo haween ah oo ku dhaqan dunida ayay la soo daristaa xaalada isu furanka ama fistula, taasi oo ah mid ka mid ah waxyaabaha keena umul aroorka dumarka ama waxa loo yaqaan maternal mortality.

Warbixinta xuska maalinta Fistula halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:36 0:00
XS
SM
MD
LG