Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku Dhintay Duufaan ku Dhufatay Mareykanka


Duufaan xoog leh ayaa shalay burbur xoog leh u geeystay bartamaha iyo Bariga gobolka Oklahoma. Meelaha sida xun ay duufaantu u waxyeeleesay ayaa waxa ka mid ah magaalada Moore oo ku taala Duleeydka magaalada Oklahoma.

Waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan 51 ay ku dhinteen duufaan ku dhufatay dalkan Mareykanka, dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah 20 caruur ah ku sugnaa iskuul ay duufaantu ku dhufatay oo ku yaalla gobalka Oklahoma. Tirada dhimashada yaa laga cabsi qabaa inay kororto.

Maxamuud Weheliye oo ka mid ah Soomaalida ka shaqeysa gaadiidka waaweyn ee isaga goosha gobolada dalkan maraykanka iyo Canada oo markii ay duufaantu ku dhufatay gobolkaa ku sugnaa Oklahoma City ayaa sheegay inuu arkay geedo waa waaweyn oo ay dhulka dhigtay

Sidoo kale meelaha laga dareemay duufaantaasi ayaa waxaa ka mid ah gobolka Missouri oo ku dheggan Oklahama. Mahad Nageeye Cumar oo isna ka mid ah Soomaalida ka shaqeysa gawaarida xamuulka ee isaga gooshta gobolada dalka Maraykanka, kuna sugnaa Missouri markii ay duufaantu ku dhufaneysay, ayaa sheegay inay aheyd duufan xoogan oo ka lumisay inuu gaariga wadada ku hayo hase ahaatee aaney gaarin wax khasaare ah.

Wareysida goobjoogyaasha duufaanta halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:59 0:00
XS
SM
MD
LG