Madaxweynihii hore ee maamul-goboleedka Puntland, General Cadde Muse ayaa sheegay in xilligan aysan Puntland ka hirgali karin hannaanka xisbiyada, oo taasina ay ugu wacan tahay iyadoo aysan jirin shuruucdii xisbiyada, iyo waliba amni-darada ka jirta Puntland.
General Cadde ayaa soo jeediyay in bisha October la kala diro baarlamaanka Puntland si ay beeluhu u soo doortaan dadkii matali lahaa.
Madaxweynihiii hore ee Putland ayaa maamulka haatan ee Puntland ku eedeeyay inay diideen qorshe dhex-dhexaadin ah oo isaga iyo odoyaal ay ka dhex-wadeen maamulka iyo mucaaradka.
Cadde Muse oo maanta shir jaraaid ku qabtay degmada Qardo, ayaa odoyaasha iyo isimmada Puntland ugu baaqay inay isu yimaadaan oo ay Puntland bad-baadiyaan.
Madaxweyne Cadde Muuse oo VOA u waramay halkan ka dhageyso.