Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Park oo Khudbad u Jeedineysa Congress-ka


Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Park Geun-hye oo ku guda jirta booqashadeeda Washington oo ay hareeyeen hadalo ku saabsan Kuuriyda Woqooyi, ayaa Arbacadan maanta ah khudbad ka jeedin doonta kulan ay u dhan yihiin mudanayaasha Aqalka Congaress-ka ee Mareykanka.

Ka dib kulan ay Madaxweyne Barack Obama kula yeelatay Aqalka Cad Talaadadii shalay, ayey Mrs. Park sheegtay in Seoul iyo Washington aaney marna dulqaad u muujin mowjadihii hanjaabadaha ahaa ee dhawaan ka soo yeeray Kuuriyada Woqooyi.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay in xaalada Kuuriyada Woqooyi loo wajaho dhinac diblomaasiyadeed, hadii ay Kuuriyda Woqooyi go’aansato inay qaado waddo nabadeed, hase ahaatee waxa uu ka digay in hab dhaqanka xun ee Pyongyang aan la abaal marin.

Obama ayaa sheegay in hanjabaadaha Kuuriyada Woqooyi ay xoojinayaan midnimada Mareykanka iyo Kuuriyda Koofureed oo kaliya, ayna sii adkeynayaan go’doominta Kuuriyada Woqooyi ay ka go’doonsan tahay caalamka kale.

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in kulanka labada hogaamiye looga gol lahaa in lagu muujiyo sida ay Mareykanka uga go’an tahay difaacidda Kuuriyda Koofureed.

Madaxweyne Park ayaa ku guda jirta socdaal shan maalmood ah oo ay ku mareyso dalka Mareykanka, iyadoo Maalintii Isniinta aheyd-na booqatay Xarunta QM ee magaalada New York.

Hogaamiyaha Kuuriyda Koofureed oo hor-kaceysa wafdi kor u dhaafaya 50 hogaamiyayaal ganacsi ah oo u dhashay wadankeeda, ayaa waxa ay maalilnta Khamiista ah magaalada Los Angales ee Gobalka California kula kulmi doonaan ganacsato asal ahaan ka soo jeeda dalka Kuuriyda Koofureed.
XS
SM
MD
LG