Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka London ee Arrimaha Soomaaliya


Ra'iisul-wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrihamaha Dibadda ee Soomaaliya.
Ra'iisul-wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrihamaha Dibadda ee Soomaaliya.
Magaalada London ee dalka Britain, waxaa lagu soo gabagabeeyey shir hal maalin ah oo caalami ah, loogana hadlayay taageerista Somalia, shirkaas ayaa lagaga dhawaaqay yabooh dhaqaale oo gaaraya in ka badan 2 boqol iyo 50 milyan oo doolar.

Shirkan waxaa si wadajir ah u shir-guddoominayay Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul-wasaaraha Britain David Cameron,waxaana ka qeybgalay hoggaamiyeyaal iyo wakiilada ilaa 50 dowladood.

Ra'iisul-wasaaraha Britain David Cameron oo shirka ka hadlayey, ayaa ka digay guuldarro ku timaadda caawinta dib u dhiska Soomaaliya taasi horseedi karta buu yiri, halista argagixisada oo kororta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli heystaan caqabado xooggan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab, waxa uuna beesha caalamka ka codsaday in la taageero Soomaaliya

Madaxda ka qeybgashay shirka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle, Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra'iisul-Wasaaraha Ethiopia HaileMariam Desalegn, Madaxwaynaha Uganda Yuweri Museveni, iyo madax kale.

Warar iyo warbixinno ku saabsan Shirka London halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:24:43 0:00





Daawo Furitaanka Safaaradda Britain ee Somalia
XS
SM
MD
LG