Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Xirtay Idaacad ku Taalla Beledweyne


Ciidamada Djibouti ee Muqdisho Tagay
Ciidamada Djibouti ee Muqdisho Tagay
Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ay xiray lana wareegay qalabka idaacad la yiraahdo Codka Bartamaha oo fadhigeedu yahay magaaladaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale idaacaddaasi ka kaxeystay agaasimihii iyo tafatirihii idaacadda.

Taliyaha cidiamada AMISOM ee gobolka Hiiraan, Col. Cismaan Dubbad ayaa sheegay in xiritaanka idaacaddan uu ka danbeeyo, kadib markii idaacaddu ay baahisay warar been abuur ahoo sheegayay in ururka al-Shabab uu qabsaday meel u dhow magaalada Beledweyne.

Uururka midowga Suxufiyiinta Soomaalida ayaa canbaareeyey xiritaanka idaacaddan, waxayna AMISOM ugu baaqeen inay sii deysay shaqaalaha idaacadda ee ay xirtay.

Dhinaca kalena, Milkiilaha idaacadda Ahmed Sheekh Nuur Cirro ayaa ka hadlay xadhiga idaacaddan, isagoo difaacay warka ay idaacaddu tabisay oo uu sheegay inuu ahaa war ay ka heleen goob-joogayaal isla markaana idaacaddu ay hubisay intaan la sii deyn.
XS
SM
MD
LG