Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Maxaabiis Lagu Fuliyey Xukun Dil ah


Saaka subaxnimadii waxaa Magaalada Boosaaso hal goob si wada jir loogu toogtay 13 maxbuus oo ruux haweeney ahi ay ku jirtay.

Maamulka Puntland ayaa horey ugu eedeeyey dadkaas iney ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, isla-markaana ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada ee gobolada Bari iyo Sanaag ee Puntland C/fataax Xaaji Aadan, ayaa VOA u u sheegay in dadka la toogtay ay horey u fuliyeen dilal ay u geysteen mas'uuliyiin, iyo waxgarad.

Waa markii ugu horeysay ee Maamulka Puntland uu dil toogasho ah ku filiyo tiro dad ah oo ka badan toban qof, inkastoo ay jireen shakhsiyaad lala xiriirinayo Ururka Al-Shabaab oo lagu toogtay deegaamo ka tirsan Puntland.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:50 0:00
XS
SM
MD
LG