Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warqad ku Socotey Obama oo laga Shakiyey


Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa sheegey inay qabteen warqad ku socotey Madaxweyne Barack Obama oo ay ku jireen waxyaabo laga shakiyey.

Warqadaasi waxaa lagu qabtey goob lagu hubiyo laguna kala saaro waraaqaha la soo diro oo ku taala dibedda Aqalka Cad ee Mareykanka.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegey in warqad kale loo direy mudane ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo ku jira Aqalka Senate-ka Roger Wicker laga heley sun khatar ah oo dadka disha.

Hay’adda dembi baarista Mareykanka ee FBI, ayaa sheegtey in tijaabooyin dheeri ah loo baahan yahay si loo helo natiijooyin isku mid ah oo lagu kalsoonaan karo.

Booliska Capitol Hill ayaa sheegey in baaritaan uu socdo.
XS
SM
MD
LG