Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musharaxnimada Axmed Madoobe oo lagu Murmay


Magaalada Kismaayo waxaa saaka shir jaraaiid ku qabtey mid ka mid ah beelaha dega gobollada Jubnooyinka, halkaas oo ay ku soo bandhigeen musharaxa yaga qeybgalaya tartanka doorashada madaxtinimada ee maamul la damacsan yahay in degaanadaasi loo sameeyo.

Guddi ka kooban odayaasha dhaqanka ayaa u soo xushey Ahmed Mohamed Islan oo loo yaqaano Ahmed Madobe inuu noqdo musharaxa beesha uga qeybgalaya tartanka, meeshana ka saarey musharixiin kale oo isla beeshaasi ka soo jeedda oo tartanka ku jirey.

Ugaas Cumar Ugaas Xiirey oo ka mid ah odayaasha meelmariyey musharaxnimada Axmed Madoobe ayaa VOA uga waramay sida ay u so xuleen Axmed Madoobe.

Hase yeeshee go’aanka odayaasha ay gaareen waxaa ka biyo diidsan musharxiinta kale ee beesha Axmed Madoobe ka soo jeeda, Siyaad Mohamed Mursal oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirka magaalada Kismaayo, kana soo horjeeda doorashada Axmed Madoobe ayaa VOA isna la hadlay,

Wareysiyada labadooba halkan hoose ka dhageyso.\

please wait

No media source currently available

0:00 0:10:37 0:00
XS
SM
MD
LG