Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti oo Hub Siisay Soomaaliya


Qeyb ka mid ah qalabka deeqada ah ee Jabuuti.
Qeyb ka mid ah qalabka deeqada ah ee Jabuuti.
​Dowladda Jabuuti ayaa maanta guddoonsiiyey dowladda Soomaaliya hub ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwo gaashaaman iyo kuwo loo adeegsado xamuulka ciidanka.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo maalintii labaad booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa deeqda hubka ah ka guddoomay dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Saacid oo munaasabadda hubka lagu guddoonsiianayey Soomaaliya ka hadlay, ayaa waxa uu u mahadceliyey dowladda Jabuuti, waxa uuna sheegay in hubka la siiyey ay u adeegsan doonaan sidii uu ammaanka dadku uu usoo gali lahaa gacanta dowladda, ayna hubkan u adeegsan doonaan si mas’uuliyadi kujirto.

Munaasabadda hub wareejinta ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.

XS
SM
MD
LG