Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW hore Sharmarke oo ka Hadlay Shirka Kismaayo


Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa dowladda Federaalka ee Somalia ugu baaqay inay taageerto shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in aysan munaasab ahayn in dowladdu hor-istaagto qorshe ay dhaqaale badan dadka deegaanku ku bixiyeen oo ay ku damacsan yihiin inay maamul gobolladaasi ugu dhisaan, wuxuuna sidoo kale xusay in dastuurka Federaalka Somalia uu dadka deegaankaasi u ogolaanayo inay maamul sameysan karaan.

C/rashiid Cumar wuxuu dhanka kale sheegay in isaga iyo Ra’’isul-wasaaraha Somalia, Abdi Faarax Shirdoon ay ka wadahadleen arrimahan Jubbooyinka, balse ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo abaarayo maamul-samaynta.

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso.


please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:33 0:00
XS
SM
MD
LG