Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Tagay Kismaayo


Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa safar ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xildhibaannadan oo aan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda ayaa qaarkood sheegay inay Kismaayo u tageen sidii ay u taageeri lahaayeen qorshaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, sidoo kalena ay u dhex-dhexaadin lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Kismaayo ka dhisan.

Imaanshaha xildhibaannadan ayaa ku soo beegantay iyadoo shalay shirka ka socda Kismaayo lagu ansixiyay dastuur la sheegay inuu yeelanayo maamulka loo sameynayo Jubbooyinka. C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah xildhibaannada tagay magaalada Kismaayo ayaa VOA uga waramay safarkooda iyo howlaha ay ka qabanayaan Kismaayo. Wareysigiisana halkan ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00

Qorshahan maamul u sameynta Jubbooyinka ayaa ah qorshe muran badan dhaliyay oo ay diidan yihiin dad fara badan oo isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad. Maxamed Amin C/laahi Cismaan oo hore xidlhiaan u ahaa siyaasina ah ayaa VOA-da la soo xiriiray si uu uga warramo qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka.

Wareysiga Maxamed-Amiin halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00
XS
SM
MD
LG